Weydiimo iyo cadeyn la'aan hareeyay habka loo maamulay dhaqaalaha dowladda - BBC News Somali (2025)

Weydiimo iyo cadeyn la'aan hareeyay habka loo maamulay dhaqaalaha dowladda - BBC News Somali (1)

Xigashada Sawirka, SNTV

Xafiiska hantidhawrka guud ee Soomaaliya ayaa maanta soo saaray warbixin sannadeedkii hay'addaas. Maxamed Cali Afgooye oo ah Hantidhowraha Qaranka ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay ku sheegay waxa u soo baxay muddadaas sannadka ah.

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Soomaaliya ayaa maanta shaaciyay warbixin sanadeedka dakhliga iyo dhaqaalaha iyo habka ay u maamuleen hay’addaha dowladda. Warbixinta oo ka kooban 238 bog waxaa lagu soo bandhigay faahfaahinta baaritaan dhaqaale oo lagu sameeyay 29 hay’addaha dowladda ah iyo labo safaarad oo ay Soomaaliya ku leedahay dibedda.

Baaritaankaas ayaa muujinaya dhaqaale loo maamulay hab shaki leh oo aan caddeyn, sida heshiisyo dhaqaale oo aan la caddeyn, lacago lagu shubay bangi aan ahayn kii dowladda, iyo xisaab xir aan isu-dheellitirnayn. Khaladaadkaas maaliyadeed waxay dhaceen sanadkii hore ee 2021dii.

Lacagaha kasoo xarooday Garoonka Caalamiga Aadan Cabdulle, iyo Dekadda Muqdisho

Xafiiska Hantidhowrku waxa uu sheegay in uu caddeymo u waayay dakhliga la sheegay in dowladda Soomaaliya uga soo xarooday Garoonka Caalamiga Aadan Cabdulle, iyo Dekadda Muqdisho oo ah labada il-dhaqaale ee lacagta ugu badan ay kasoo xarooto dakhliga gudaha. Labada il-dhaqaale waxaa maamula labo shirkad oo ajnebi ah oo laga leeyahay Turkiga, oo kala ah Favori iyo Albayrak.

Waxay dowladda Soomaaliya kula jirtaa labadaas shirkad heshiis dheefwadaag ah, oo ay dowladda yeelaneyso 25% iyo 62.17% khidmadaha laga kala qaado Garoonka Caalamiga Aadan Cabdulle iyo Dekadda Muqdisho. Inta kale waxaa xaq u yeelanaya shirkadaha heshiiska lagu la jiro ee maamula Garoonka iyo Dekedda Muqdisho.

dekeda.

Weydiimo iyo cadeyn la'aan hareeyay habka loo maamulay dhaqaalaha dowladda - BBC News Somali (2)

Xigashada Sawirka, Social

Hantidhowrka Qaranka Maxamed Cali Afgooye waxa uu sheegay in xisaab maaliyadeedka dowladda ay muujineyso in garoonka iyo dekedda ay dowladda uga soo xaroodeen lacag dhan Labaatan iyo siddeed milyan, saddex boqol iyo siddeetan kun oo doollar ($28,380,031). Labaatan iyo shan milyan, shan boqol iyo siddeetan iyo sagaal kun (US $25,589,133) oo lacagtaas ka mid ah waxay kasoo xarootay dekedda Muqdisho oo ay maamusho shirkadda Albayrak, halka labo milyan, tobbodo boqol iyo sagaashan kun oo doollar (US $2,790,898) ay kasoo xarootay garoonka Aadan Cabdulle 12-kii bil ee sanadkii 2021.

Dakhliga uga soo xarooda dowladda waxa ay ahayd in lagu saleeyo warbxinnada maaliyadeed iyo xisaab xirka ee la baaray kuwaas oo ay diyaariyaan dhammaadka sanad walba labada shirkad ee kala maamula garoonka iyo dekedda. Laakiin waxa uu Hantidhowraha sheegay in uusan helin caddeymo, xisaab-xir la hubiyay ee dakhliga guud ee kasoo xarooday labada meelba, ama warbixin kale oo maaliyadeed. Sidaas darteed ayuu hantidhowrka qaranka Maxamed Cali Afgooye u sheegay in uusan si madax bannaan oo sax ah u hubin karin sheegashada dakhliga sanadkii hore kasoo xarooday garoonka iyo

Weydiimo iyo cadeyn la'aan hareeyay habka loo maamulay dhaqaalaha dowladda - BBC News Somali (3)

Xigashada Sawirka, WARBIXINTA HANTIDHORKA

Lacagaha ay dowladdu deynsatay: Sagaashan iyo lix milyan, saddex boqol iyo lixdan iyo shan kun oo doollar

Xafiiska Hantidhorka Qaranka waxa uu sidoo kale shaki ka muujiyay hannaanka loo maray lacag dhan sagaashan iyo lix milyan, saddex boqol iyo lixdan iyo shan kun oo doollar (US $96,365,574) oo ay dowladdu ka daynsatay Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) iyo Bankiga Dhexe ee Soomaaliya sanadkii hore. Lacagtaas waxaa la socda afar iyo toban milyan iyo lix boqol oo kun oo doollar (US $14,605,118) oo ah dulsaar lagu yeelanayo dowladda Soomaaliya. Toddobaatan iyo afar milyan, saddex boqol, toddobaatan iyo saddex kun oo doolar (US $74,373,383) oo ka mid ah lacagtaas waxaa laga amaahday Hay’adda Lacagta Adduunka.

Weydiimo iyo cadeyn la'aan hareeyay habka loo maamulay dhaqaalaha dowladda - BBC News Somali (4)

Xigashada Sawirka, Social

Xafiiska Hantidhowrka waxa uu sheegay in uu waayay lifaaqyo iyo faahfaahin dheeraad ah oo tilmaam ka bixineyso hannaanka loo maray deyn-qaadashadan, iyo baahida loo qabay inta ba. Waxa uu xafiisku intaas ku daray in codsiyo dhowr ah oo isdabajoog ah u diray wasaaradda maaliyadda, oo ku guuldareysatay inay la wadaagto heshiisyada deyn qaadashada ama dukumiintiyada faahfaahinaya deymaha la qaatay. Waxa uu hantidhowrka shaki ka muujiyay tirada lacagta la deynsaday, iyo helitaankooda iyo shuruudaha lagu qaatay ba.

Safaaradaha Soomaaliya ee Kenya iyo Itoobiya, iyo dhaqaalaha ay qabteen

Warbixinta maamulka dhaqaalaha ee xafiiska Hantidhowrka Soomaaliya waxaa sidoo kale lagu sheegay in labo safaaradood oo kala ah Safaaradda Nairobi, Kenya iyo Addis Ababa, Itoobiya ay ururiyeen dakhli wadartiisu dhantahay hal milyan oo doolar (US $1,057,550).

Weydiimo iyo cadeyn la'aan hareeyay habka loo maamulay dhaqaalaha dowladda - BBC News Somali (5)

Xigashada Sawirka, SAFAARADDA

Baaritaanka xafiiska waxaa lagu sheegay in tirada ugu badan ee lacagtaas oo dhan US $1,046,757 ay qabatay safaaradda Soomaaliya ee Nairobi. Lacagtaas ayaa kasoo xarootay adeegga safaaradda ay bixiso oo ay ka mid yihiin baasaboorrada iyo warqado kale ee socdaalka. Laakiin lacagtaas oo dhan safaaradda ayaa dib u isticmaashay iyada oo aan lagu darin dakhliga iyo kharashaadka dowladda.

Safaaradda Soomaaliya iyadu waxay qabatay lacag dhan toban kun oo doollar oo keliya (US $10,793). Laakiin, si la mid ah safaaradda Nairobi, ayay dib ugu adeegsatay lacagtaas. Sidaas oo ay tahay, labada safaarad ba waxay helaan dhaqaale dheeraad ah oo ah qeybta looga qoondeeyay miisaaniyadda sanadlaha ah ee Dowladda Soomaaliya.

Fiiro gaar ah: Warbixinta waa la cusbooneysiiyay iyada oo lagu soo kordhiyay xog cusub iyo faahfaahin dheeraad ah

Weydiimo iyo cadeyn la'aan hareeyay habka loo maamulay dhaqaalaha dowladda - BBC News Somali (2025)
Top Articles
Latest Posts
Recommended Articles
Article information

Author: Lilliana Bartoletti

Last Updated:

Views: 6035

Rating: 4.2 / 5 (73 voted)

Reviews: 80% of readers found this page helpful

Author information

Name: Lilliana Bartoletti

Birthday: 1999-11-18

Address: 58866 Tricia Spurs, North Melvinberg, HI 91346-3774

Phone: +50616620367928

Job: Real-Estate Liaison

Hobby: Graffiti, Astronomy, Handball, Magic, Origami, Fashion, Foreign language learning

Introduction: My name is Lilliana Bartoletti, I am a adventurous, pleasant, shiny, beautiful, handsome, zealous, tasty person who loves writing and wants to share my knowledge and understanding with you.